Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo ayaa gurmad degdeg oo raashiin ah waxay la gaartay qaar kamid ah dadka kasoo barakacay dagaallada habka qabiil u abaabulan ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Luuq.
Deegaan lagu magacaabo Bashiir oo hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo, kuna suganyihiin dad kasoo barakacay colaadda maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay Luuq, ayaa laga qeybiyay raashiin kala duwan.
Sheekh Luqmaan Abuu Anas oo ah waaliga wilaayada Gedo oo horkacayay wafdi ballaaran oo gurmad la gaaray dadka kasoo barakacay Luuq ayaa sheegay in ujeedkoodu ahaa iney dadka walaalahooda u gurmadaan, sidoo kalena ay dadka ku baraarujiyaan in colaadda ka socota Luuq aaney ahayd mid qabiil, ee ay u dhexeyso ciidamada Dowladda Federaalka.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo ay weydiisay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab, ayuu sheekh Luqmaan dadka shacabka ah ee kasoo barakacay colaaddda Luuq ugu baaqay iney ilaaliyaan walaaltinimada dhexdooda ah, isagoo farriin muhiim ah u diray reer Gedo.
Dadka gurmadka la gaarsiiyay ayaa dhankooda muujiyay shucuurtooda farxadeed, iyagoona ka mahadceliyay gurmadka degdega ah ee kasoo gaaray wilaayada Gedo.
Halkan ka dhagayso waraysiga waaliga Gedo.
Halkan ka dhagayso dadka kasoo qaxay Luuq ee gurmadka loo fidiyay.