Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ka taagnaa xaalado amni darro ah oo saameyn ku yeeshay ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada.
Ciidamada dowladda fedaraalka oo dhac geysanaya ayaa kusoo batay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban Baladweyne, ciddii isku dayda iney hantidooda kasoo dhacsato ayayna isugu darayaan dil iyo gaari jiirsiin.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa ka warbixiyay dhibaatada ay ku qabaan ciidamada dhaca geysaneysa ee maalmihii lasoo dhaafay qalqalka ku beeray dadka, iyadoo ay askartu dileen tiro dad ah oo ay dhac ugeysanayeen halka qaarkana ay dhaawac la jiifaan.
Waxay sheegeen iney hubkooda qaateen ayna iska difaacayaan ciidamada dhaca ugeysaneysa.
Halkan ka dhagayso cabashada shacabka Baladweyne.