Cali Juba oo ah afhayeenka maamulka gobalka Gedo ee Dowladda fedaraalka ayaa shaaca ka qaaday, in gudoomiyaha degmada Doolow ee gobalkaasi Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey uu ka badbaaday isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo.
Illaa 4 isku day dil ah ayuu sheegay inuu ka badbaaday gudoomiyaha, kaas oo uu sheegay in midkii ugu dambeeyay uu dhacay todobaadkii lasoo dhaafay.
Maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin katirsan Dowladda fedaraalka lana soo shaqeeyay maamulka la magacbaxay Jubbaland ayuu ku eedeeyay iney ka dambeeyaan “shirqoolladaan ka dhanka ah gudoomiyaha”.
Sababta ka dambeysay isku dayada dil ee lagu beegsanayo gudoomiyaha Doolow, wuxuu afhayeenka maamulka Gedo Cali Jubba ku sheegay iney tahay xiriirka wanaagsan ee uu gudoomiyaha la leeyahay ciidamada xabashida Itoobiya.
Dhagayso hadalka kasoo yeeray afhayeenka mamaulka gobolka Gedo.