Wararka ka imaanaya gobolka Shabwah oo kamid ah gobollada dhaca koonfurta Yemen ayaa tilmaamaya in ciidamada mujaahidiinta Ansaaru Shareeca weerar culus ku qaadeen askar taabacsan dowladda Imaaraatka Carabta.
Weerarka waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Al-museynaca ee Shabwah, waxaana la beegsday saldhig ciidan oo ay degnaayeen malleeshiyaad daacad u ah dowladda Imaaraatka Carabta.
Intii uu dagaalku socday, ciidamo kale oo isku dayay iney usoo gurmadaan asakrta weerarka lagu ekeeyey ayaa iyaguna waxay Mujaahidiinta la beegsadeen labo qarax oo noocyada dhulka lagu aaso ah.
War kasoo baxay Ansaaru Shareeca waxaa lagu sheegay in weeraradan ay ka dhasheen khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac. Weerar ay fuliyeen shiishyahannada Ansaaru Shareeca ayaa isagana waxaa lagu beegsaday ugu yaraan 3 askari oo katirsan kuwa taabacsan Imaaraatka Carabta.
Weerarka waxa uu ka dhacay mandiqadda Muudiya ee gobolka Abyan, koonfurta Yemen, Ansaaru Shareeca ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.
Dalka Yemen waxaa uu kamid yahay wadamada sida furan uga soconayo loolannada milliteri ee u dhexeeya Al-Qaacida iyo jamaacaadka Jihaadiga ah oo iskaashanaya iyo dowladaha reer galbeedka, kuwa carabta iyo dhinacyada ku daaban ee isbiirsanaya.
Dhinac kale, ciidamo katirsan mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa weerar dhabogal ah u dhigay ciidamo katirsan milliteriga Maali iyo kooxda Fagnar oo ku socdaalayay deegaanno katirsan dalkaas.
Weerarka kamiinka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa deegaannada Duwentaza iyo Kiiraana ee dalka Maali, waxaana ka dhashey khasaare dhimasho ah.
Mu’assasada Az-Zallaaqa ayaa war kooban oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in kamiinka lagu dilay 2 askari, halka lagu soo furtay qalabkii ciidan oo ay wateen.