HomeAll newsGanacsato Soomaali ah Oo Lagu dilay Dalka Itoobiya.

Ganacsato Soomaali ah Oo Lagu dilay Dalka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in maleeshiyaad hubeysan oo katirsan kuwa Canfarta ay weerar la beegsadeen ganacsato Soomaali ah oo ku socdaalayay gudaha dalkaas.

Maleeshiyaadka ayaa wada xiriirisa magaalada Jigjiga ee ku hoos jirta gumeysiga Itoobiya iyo Adis Aababa oo ah caasimadda dalkaas waxa ay ganacsataan kula beegsadeen weerar gaadmo ah.

Ugu yaraan 2 kamid ah ganacsatada oo saarnaa gaari kusii jeeday magaalada Adis Aababa ayaa lagu dilay weerarkaan ay geysteen maleeshiyaadka Canfarta.

Labada ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi, waxaana si weyn looga yaqiinay magaalada Jigjiga oo ah halka ay kasoo ambabaxeen.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo bilihii lasoo dhaafay ay sii xoogeysteen dagaallada udhexeeya maleeshiyaadka Canfarta iyo kuwa Soomaalida ee ka dhacaya Mandiqadda, kuwaas oo gallaaftay nolosha boqallaal ruux.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa iney hurineyso colaadda ka taagan mandiqadda ee udhexeyso labadaan dhinac, waana mid kamid ah dhibaatooyinka ay ku heyso bulshada ku nool gobalkaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular