HomeAll newsFaafaahinno Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashey Camaliyaddii Xalay ee Muqdisho.

Faafaahinno Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashey Camaliyaddii Xalay ee Muqdisho.

Waxaa faafaahinno dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerar nafhunimo oo habeenkii xalay ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo kaabiga ku heysa madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu yaraan 19 ruux oo ahaa xubno katirsan Dowladda Federaalka ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen camaliyadda, kuwaasoo ka shaqeynayay wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka.

Farxaan Xirsi Nuur iyo Cali Nuur Ibraahim waa labo sarkaal oo katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, waxayna ku dhinteen camaliyaddii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Goobta uu weerarka nafhurnimada ka dhacay ayaa ahayd goob u xiran shaqaalaha Dowladda Federaalka ee kala duwan, waxaana marka laga yimaado khasaaraha dhimasho ay sidoo kale camaliyaddu sababtay burbur baaxad leh.

Xillibaanno katirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo ka hadlay weerarkii xalay ee Muqdisho ayaa sheegay iney muujineyso in amniga caasimadda uu faraha ka baxay, maadaama ay weeraradu ka dhacayaan goobo xasaasi ah oo u xiran Dowladda Federaalka iyo shaqaalaheeda.

Xillibaan Ciid ayaa tilmaamay in weerarka uu ka dhacay meel u dhow xarunta hay’adda Sirdoonka ee Dowladda Federaalka, taasina ay muujinesyo amni xumada ka jirta magaalada caasimadda ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular