Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay fal dil ah oo u ugeystay askari katirsan ciidamada Dowladda Federaalka.
Dilkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaanno isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Dilka qofkaan shacabka ah oo lagu magacaabo Muriidi Maxamed Cali ayaa yimid, kadib uu muran soo kala dhex galay 2 askari oo katirsan dowladda fedaraalka kaas oo midkood oo ceyrsanaya kan kale uu si bareer ah rasaas ugu furay ruuxa shacabka ah oo wadada marayay.
Ninka la dilay ayaa waxa uu ka tagay 8 caruur ah oo 2 kamid ah ay yaryar yihiin, Aabahaa dhalaay Muriidi, iyo qaar kamid ah ubadkii uu ka tagay oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyay qaabka loo dilay aabahood.
Halkan ka dhagayso tafaasiil dheeraad ah.