Dalka Murutaaniyah oo kamid ah dalalka dhaca galbeedka caalamka Islaamka ayaa muslimiinta ku nool waxay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan, oo ka tarjumeysa damiirkooda diineed ee nool.
Inkastoo dalkan lagu tiriyo dalalka uu faqriga daran kajiro marka laga hadlayo wadamada caalamka Islaamka, hadana muslimiinta ku nool waxay ku tilmaamanyihiin deeqsinimo iyo in muslimiinta dhiban ay u dooraan wixii ay naftooda u baahantahay.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka dulmiga ah ee ay Yahuuddu kusoo qaadeen marinka Qazza, waxay muslimiinta Murutaaniyah billaabeen iney waxay awoodaan ku taageeraan reer Qazza.
Qabaa’ilka Murutaaniya dega ayaa sameystay jamciyad kheyri ah oo dhexdooda lacagaha ka uruurisa, islamarkaana gaarsiisa muslimiinta Qazza.
12 qabiil oo kamid ah qabaa’ilka ku nool Murutaaniya ee muslimiinta ah ayaa ku guuleystay in muda kooban ay ku uruuriyaan lacag dhan 10 milyan oo doollarka Maraykanka, taasoo ay ugu talogaleen muslimiinta Qazza.
Sheekh Axmed bin Kheyraan oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee isku howlay uruurinta lacagahan ayaa tilmaamay in tani ay muujineysa sida ay muslimiinta dalkiisa ku nool u dareesanyihiin in qadiyadda Filastiin ay tahay qadiyad diineed oo ka dhexeysa muslimiinta oo dhan, qeybna ka tahay caqiidadooda.
Muslimiinta Murutaaniya oo keliya maahan muslimiinta taageerada la garab istaagay reer Qazza, waxaana taageerada maaliyadeed ay noqotay mida keliya ee ay maanta awoodaan muslimiin badan oo ku nool caalamka.