HomeAll newsThe East African: Dowladda Federaalka Kama Maaranto Ciidamo Shisheeye. .

The East African: Dowladda Federaalka Kama Maaranto Ciidamo Shisheeye. [WARBIXIN].

Warbixin lagu daabcay website lagu magacaabo The African East oo ka faallooda rimaha bariga Afrika ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud aaney ka maarmin ciidamo Shisheeye, haddii ay dalka ka baxaan kuwa iminka jooga ee ku howlgala magaca ATMIS.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in marnaba aaney awoodin Dowladda Federaalka iney hanato amnigeeda, oo ay iska caabiso weerarada uga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xaaladda amnina ay faraha kasii baxeyso marka ay Soomalaiya isaga huleelaan dhamaan ciidamada shisheeyaha.

Kudhawaad saddex sano kahor ayaa waxa loogu yeero Golaha ammaanka, wuxuu ciidamada Afrikaanta ee jooga Soomaaliya ku wargeliyay in masuuliyadda amni ee dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Dowladda Federaalka, taasoo horudhac u ahayd in dalka ay isaga baxaan ciidmada Shisheeyaha, maadaama ay reer galbeedku intan kabadan aaney sii wadi karin maalgelinta duullaanka Soomaaliya.

Laakiin 24-kii bishii June ee sanadkan, madaxa howlgalka ATMIS ee Soomaaliya Muxamad Al-Amiin Suwee fayaa kalimad uu ka jeediyay waxa loogu yeero golaha ammaanka wuxuu ku sheegay in inkastoo uu si dardar leh ku socda howsha xilwareejint amni, hadana Xarakada Al-Shabaab tahay awood weli cudadeeda leh, oo u babac dhigeysa duullaannada ka dhanka ah.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Suweef xilliga uu hadlayay weerar culus oo ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada Dowladda Federaalka ee Ceeldheer, gobolka Galgaduud, iyo weerar kale oo ay ciidamada Al-Shabaab ku beegsadeen saldhiga ciidamada xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Khubarada amni ee ka faallooda arimaha Soomaaliya, warbixinta website-ka ka ka hadla arimaha bariga Afrikana soo xiganayo ayaa sheegaya in rajada ay qabaan dhinacyada ku lugta leh arimaha Soomaaliya iyo xaqiiqooyinka yaala fagaaraha aaney isku dhaweyn.

Cumar Maxmuud oo ah baare katirsan kooxda ICG, kana faallooda arimaha bariga Afrika ayaa kamid ah dadka aaminsan iney jiraan caqabado waaweyn oo ku horgudban rajada Dowladda Federaalka iyo dowladaha Shisheeye ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.

“ Hammiga siyaasadeed ee laga qabo howsha kala guurka, lama jaan qaadayo waaqica saxda ah ee kajira fagaaraha” ayuu yiri Cumar Maxmuud oo katirsan kooxda xasradaha caalamiga ee ICG, warbixintuna soo xiganeyso.

Cumar Maxmuud ayaa aaminsan in inkastoo ciidamada Dowladda Federaalka ay la wareegeen saldhigyo ay banneeyeen ciidamada Shisheeyaha, dagaalka ka dhanka ah Xarkaada Al-Shabaabna ka qeybgalayaan, hadana in si buuxda ula wareegaan amniga dalka ay qaadaneyso muda dheer, loona baahanyahay waqti, si ciidamada Dowladda Federaalka u noqdaan kuwa cagahooda ku taagan.

“ Waxay u muuqataa in Dowladda Federaalka ay ugu yaraan u baahantahay labada sano ee soo socota taageerada ciidamo Shisheeye, si looga fogaado inay timaado xaalad amni oo halis ah” ayuu leeyahay Cumar Maxmuud oo katirsan hay’adda ICG.

Ruth Namatovu oo ah haweeney ka faalloota arimaha amniga iyo nabadgeliyada, warbixinta uu daabvacay website-ka The East Africa-na soo xiganeyso ayaa xaaladda walwal ee ka taagan amniga Soomaaliya haddii Shisheeyuhu ka baxaan, u sababaneyso, iyadoo qorshaha la xiriira xaaladda kala guurka ah aanu dejin midowga Afrika, balse ay dhinacyo kale u keeneen, laguna amray in sidaasi u fuliyaan.

“ Majirto qorshe cad, dadka danaha kala duwan leh ayaana wata ajandayaal kala gedisan” ayay leedahay haweeneydan oo baare ka ah machad ka faallood arimaha amniga iyo siyaasadda ee qaaradda Afrika, islamarkaana hoostaga jaamacadda Northern Illinois University ee ku taalla Maraykanka.

Iyadoo tusaale ahaan usoo qaadaneysa duullaannada ay reer galbeedku ku qaadeen wadamada Ciraaq, Afqaanistaan iyo dalal kale, waxay Ruth Namatovu tilmaameysaa in in tabadan duullaannadaas ay kusoo dhamaadaan xaalad fashil ah, sababna u noqdaan inay sii qarxaan dagaallo horleh.

“ Dowladda Federaalka waxay isku dayayesaa in xaaladeeda aanay lamid noqon wixii ka dhacay dalalkaas aan soo sheegnay, marka ay ciidamada ATMIS ka baxaan wadanka, xarakada Al-Shabaab ayaana dhankeeda sii xoogeystay, tirada ciidamadeeduna sii kordheen” ayay leedahay haweeneydan ka faalloota arimaha Afrika, kana tirsan machad fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.

Inkastoo tan iyo June 2023-da, ay ciidamada Dowladda Federaalka kala wareegeen ciidamada Shisheeye ATMIS ugu yaraan 22 saldhig oo ciidan, hadana warbixintu waxay hoosta ka xariiqeysaa in weli ciidamada Soomaalida aaney u babac dhigi karin Xarakada Al-Shabaab, si buuxdana ula wareegi karin amniga dalka.

Dowladda Federaalka oo horey u diidaneyd walaaca ay muujinayaan qolyaha amniga ka faallooda ee Afrika iyo reer galbeedka, ayaa bishii lasoo dhaafay codsatay in si tartiib tartiib ah loo saaro ciidamada ATMIS, qorshaha 4000 kun ee bixi lahaa tan iyo September-na laga reebo 2000 oo askari.

Laakiin waxa loogu yeero golaha ammaanka ayaa codsiga dowladda Federaalka isagoo ka jawaabaya 28-dii June, wuxuu sheegay in 4000 ee ciidamada ATMIS bixitaankooda oo dhameystiran loo dib dhigayo illaa 12-ka Augosto ee sanadkan.

Dhamaadka sanadkan 2024-ka, ayuu qorshuhu yahay in ciidamada shisheeye ee ATMIS soo afjaraan duullaankooda Soomaaliya, sidaba ay ku amreen dowladaha reer galbeedka ee maalgeliya duullaankii ugu waqtiga dheeraa ee ay ciidamo Afrikaan ah ku tagaan dal muslim ah.

Maadaama ay muuqato in Dowladda Federaalka aaney cagaheeda isku taagi karin, ayay codsatay in ciidamo kale oo Shisheeye oo magac cusub ku howlgalaya la keeno Soomaaliya, kuwaasoo shaqadoodu tahay ilaalinta amniga magaalooyinka waaweyn ee ay ka howlgalaan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Illaa iyo hadda ma cada sida uu noqonayo qorshahan, caqabadaha ugu weyn ee wajahayana waa iyadoo aan lahayn cid diyaar u ah maalgelinta howlgalka, maadaama reer galbeedku dhaqaalahooda ku dhisan ribada uu dumay, tabar dambena aaney u heynin maalgelinta howlgal aan dhamaadkiisa la ogeyn.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Wabsite-ka The East African

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular