Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Kenta, kaas oo geystay khasaare nafeed.
Gaariga shilka galay oo ahaa Bas ayaa waxa uu waday arday dhigata mid kamid ah iskuuullada ku yaalla dalka Kenya, waxaana iyagoo safraya mar qura ay la kulmeen dhacdadaan.
Shilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay isgoys ku yaalla ismaamulka Nyamira ee gudaha dalkaas, waxaaana la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 arday.
Gaariga Bbaska ah ayaa waxa uu ka baxay ismaamulka Nyamira isagoona kusii jeeday ismaamulka Kisumu.
41 Arday iyo 4 macallimiin ah ayaa saarnaa gaaariga shilka galay, waxaana dhaawacyada la dhigay xarun caafimaad.
Dalka Kenya ayaa waxaa ku badan shilalka, waxa ayna tani kusoo aadeysaa iyadoo maaalmo kahor shil ka dhacay wadada xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera ay ku dhinteen 12 ruux oo Soomaali ah.