HomeAll newsKenya oo Ciidamo Booliis Dheeraad ah u Dirtay Dalka Haiti.

Kenya oo Ciidamo Booliis Dheeraad ah u Dirtay Dalka Haiti.

 

Booliiska dalka Kenya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 200 oo askari ay u direen dalka Haiti, taasoo qeyb ka ah mashruuc ay maalgelineyso Qaramada Midoobay.

Dowladda Kenya ayaa horey waxay Haiti ugu dirtay, ugu yaraan 400 oo askar booliis ah, waxaana tirada guud ee ciidamada qorshuhu yahay iney u dirto dalkan ay rabshahadu ragaadiyeen gaareysaa 1,000 askari.

Ciidamada labada boqol ah ee maanta ka tagay Nairobi ayaa lagu wadaa iney gaaraan magaalada Port-au-Prince oo ah caasimadda dalka Haiti, kaasoo wajahaya qulqulatooyin siyaasadeed oo ay hurinayaan kooxo kasoo horjeeda dowladda.

” Waxaa jira 200 oo askari oo xalay ka tagay Nairobi, kuwaasoo saaka tagi doona Haiti, waxayna ku biiri doonaan saaxiibadood halkaas kaga horeeya” ayuu yiri sarkaal sare oo katirsan booliiska Kenya oo la hadlay wakaaladda AFP.

Saraakiisha booliiska waxay intaas ku dareen in tirada ciidamada booliiska Kenya ee gaaraya Haiti ay sii socon doonto, illaa ay ka gaarayaan wadartooda guud 1,000 askari oo ah tirada ay ballanqaaday dowladda Kenya ee uu hogaamiyo Ruto.

Dowladda Maraykanka oo leh sooyaal faragelin marka laga hadlayo dalka Haiti ee dhaca qaaradda America, ayaa horey u diiday iney ciidamo geyso dalkaas, taas bedelkeeda dowladaha Afrika oo ay Kenya horboodeyso ayay ku amartay in ciidamo geeyaan dalkaas, Maraykankana uu qaadanayo taakulada dhaqaale ee howlgalkaas.

Haiti ayaa martigeliyay xaalado amni oo halis ah, kuwaasoo ay ka dambeeyaan kooxo burcad ah oo hubeysan, kuwaasoo isku dayay iney awood milliteri talada uga tuuraan xukuumadda ka dhisan wadankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular