Shalay galabkii illaa habeenkii xalay waxaa lagu hawlanaa cillad bixinta diyaaradda Ethiopian Airlens kadib markii ay ku hallowday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Abaaro 6 maqribnimo ee xalay ayaa lagu waday iney sameyso duulimaad ah Muqdisho iyo Adisababa taasoo la ogaaday markii uu waqtigu soo dhawaaday ineysan ka haadi karin garoonka Muqdisho.
Halkaas wuxuu waqti badan uga lumay dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda raaci lahaa kuwaasoo isugu jira Soomaali siyaasiyiin u badan iyo dad ajaanib ah oo ay Itoobiyaan kamid yihiin.
Dadkan ayaa sidii ballantu ahayd soo xarooday sadaxda galabnimo kuwaasoo habeenkii shantii saac iyo bar loo sheegay in ay iska jiiftaan iyadoo la siiyay casho fudud.
Dhacdadan ayaa sumcad darro hor leh ku keentay diyaaradda Itoobiya sida ay sheegayaan dadka ka hawlgala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana jira qaar kamid ah dadkii raaci lahaa iney ka wareegteen oo maanta diyaarado kale raacayaan.
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa si joogta ah uga hawlgasha hawada iyo madaarada Soomaalida, waxaana ay ciriiri gelisay shirkadihii duulimaadka Soomaalida.
Sidoo kale waxaa ay dad badan la yaaban yihiin sida ay diyaaradda Itoobiya uga gawlgaleyso garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyadoo wali dowladda Itoobiya ku adkaysanayso iney qeyb ku leedahay badda Soomaaliya.