HomeAll newsShacabka Sanaag oo Cabasho ka Muujiyay Shirkado Dhibaato ku Haya Deegaanka.

Shacabka Sanaag oo Cabasho ka Muujiyay Shirkado Dhibaato ku Haya Deegaanka.

 

Gobolka Sanaag ee wuqooyi galbeed Soomaaliya ayaa dadka ku nool waxay ka cabanayaan dhibaatooyin shirkado qandaraas soo qaatay oo dhibaato ku haya deegaanka iyo dadka.

Dadkaan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in shirkadaha qandaraasyo soo qaatay ay dhibaato daran ku hayaan dhirta iyo degaanka intaba.

Shirkadaha baara dahabka ayay ku eedeeyeen iney xaalufinayaan dhammaan kheyraadka uu hodanka ku yahay degaanka, balse uusan ujeedkoodu uusan aheyn oo kaliya dahab baaris.

Qaarkood oo xoolo dhaqato ah ayaa tilmaamay ineysan iskeeneyn iyaga iyo iyo shaqada ay qabtaan shirkadahaas, maadaama ay shirkaadka ku eedeeyeen in ay nabaad guurinayaan dhulka, taasna ay sababeyso in xooluhu nabaad guuraan.

Halkan ka dhagayso cabashada shacabka Sanaag.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular