HomeAll newsWarbixin- Caashuuraa Maalinkii uu Towxiidku Ka Guuleystay Shirkiga!

Warbixin- Caashuuraa Maalinkii uu Towxiidku Ka Guuleystay Shirkiga!

Caashuuraa, waa maalin kamid ah maalmaha Allaah Cazza Wajalla ee ku weyn muslimiinta, waana maalinkii uu Alle halaagay ninkii Ilaahnimada sheegtay ee Fircown iyo ciidankiisa, sidoo kalena badbaadiyay Nabi Muuse iyo muslimiintii reer banii Israa’iil ee la socotay.

Weynida maalinkan ay leedahay darteed, wuxuu Allaah Cazza Wajalla ku amray Nabi Muuse caleyhi salaam in maalinkaan uu xusuusiyay tolkiisa, ay mucjizooyin iyo aayad ugu jiraan maalinkaas cid weliba oo sabreysa, Allena u mahdineysa.

Markii Nabi Muxammad Salla-llahau caleyhi wasallam usoo hijrooday Madiina, wuxuu arkay Yahuuddii magaaladaas deganeyd oo soomeysa maalinka tobanaand ee bisha Muxarram, markii uu weydiiyey sababta ay u soomayaanna waxay ku jawaabeen iney ku faraxsanyihiin badbaadadii Nabi Muuse Caleyhi-salaam.

Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam ayaa sheegay in Yahuudda uu isagu kaga xaqnimo badanyahay Nabi Muuse, sidaas ayuuna maalinka Caashuura ku soomaay, muslimiintana ku faray iney soomaan, illaa laga waajibiyo soonka bisha Ramadaanna, wuxuu soonka Caashuuraa ahaa mid waajib ah.

Marka laga hadlayo fadliga ku jira soonka maalinkan Caashuura, wuxuu Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam sheegay, sida uu Imaamu Muslim warinayo “ in soonka maalinka Caashuura lagu dhaafayo dembiga sanadkii lasoo dhaafay”.

Saxaabada Rasuulka Salla-llahau caleyhi wasallam ayaa aad ugu dedaali jiray iney soomaan maalinka Caashuuraa, heer ay xitaa soom siin jireen caruurta yaryar, Ar-Rabiic binti Mucawad oo kamid ah haweenka Ansaarta ayaa waxay leedahay sida uu soo saaray Imaamu Bukhaari “ waan soomi jirnay maalinka Caashuura, caruurteenana waan soomin jirnay”.

Sida sunnada ah, waa in la soomo maalinka Caashuura maalinka ka horeysa ee sagaalaad ama lala soomo maalinka ka dambeysa ee 11aad, ibnul Qayyim wuxuu kitaabkiisa Zaadul Macaad ku leeyahay “ Soonka Caashuuraa waa saddex martabadood; soonka maalmaha 9aad, 10aad iyo 11aad, iyo soonka maalinka maalinka 9aad iyo 10aad, iyo soonka maalinka 10aad oo keliya”.

In maalinkan lagu weyneeyo howlaha qaar sida in la qubeysto, caruurta laga farxiyo ama loo dabaaldego, waa dhaqan aaney kusoo aroorin Axaadiith sugan, dabcina u ah Shiicada, sidaba ay tilmaameen culimada muslimiinta oo ay kamid yihiin Ibnu Teymiya iyo Ibnu Rajab, labadoodaba Alle ha u naxriiste.

Hadaba Caashuuraa ayaa ka dhigan maalin uu Towxiidku ka guuleystay shirkiga, si cayaan ah oo muuqatana loo arkay inaanu marnaba Allaah dayaceynin adoomihiisa Mu’miniinta ah, uuna cadowgooda ka badbaadinayo ilbiriqsiyada ugu adag ee maanka Aadanahu suureysto inaanu meelnaba ugu baxsan karin, qissada Nabi Muuse iyo sida uu kaga hortagay xadgudubkii Fircoon ayaana ah qisso dhiirogelineysa muslim weliba oo dulmi diid ah, xilligii uu doonaba ha noolaado’e.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular