Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa waxaa ka dhacay weerar toorrey loo adeegsaday, kaasoo lagu beegsaday askari katirsan booliiska wadankaas.
Weerarka ayaa dhacay maalintii shalay, waxaana fuliyaha weerarka uu dhaawac gaarsiiyay askari katirsan booliiska, kaasoo qeyb ka ahaa roondo ay sameynayeen ciidanka booliiska.
Wasiirka arimaha gudaha ee Faransiiska, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X wuxuu ku sheegay in xaaladda caafimaad ee askariga aanay halis ahayn, halka gacanta lagu dhigay ruuxa fuliyay weerarka.
Tan iyo 2015-kii wixii ka dambeeyay weerarkii loogu aargudayay Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam ee lagu beegsadya wargeyska Charlio Hebdo, ciidamada booliiska ayaa si maalinle ah dalka uga sameeya howlgallo amni, waxaana wadooyinka dhooban askar hubeysan, tanina waxay meesha ka saartay suuraddii ahayd in caasimadaha reer galbeedku amni yihiin.