HomeAll newsKenyaan Waardiye Ka ahaa Suuq Ganacsi oo Ceego Lagu Dilay. .

Kenyaan Waardiye Ka ahaa Suuq Ganacsi oo Ceego Lagu Dilay. [DHAGAYSO].

Dalka Kenya waxaa waayadii u dambeysay kusoo badanayay, kiisaska dilka ah ee ay isku geysanayaan dadka Kenyaatiga ah, kuwaasoo wajahaya xaalado adag oo dhanka dhaqaalaha ah.

Kiiskii ugu dambeeyay oo ay warbaahinta Kenya waxa ka qoreen, waxa uu ahaa dil loo geystay nin waardiye ka ahaa suuq ganacsi oo ku yaala ismaamulka Bungoma.

Isagoo shaqadiisa habeenlaha ee waardiyeynta ah ku guda jira, ayaa waxaa soo weeraray koox dhalinyaro ah, kuwaasoo la sheegay iney ceego ama merjin ku dileen. Ehelka ninka la dilay ayaana sheegay iney ka war heleen aroortii hore.

Inta badan dilalka noocaan ah waxaa geysta kooxo burcad ah, kuwaasoo doonaya iney dhacaan qofka ay beegsanayaan, maadaama xaalad dhaqaalo darri oo xoogan ay ka jirto dalka, taasina ay keeneyso in Kenyaatigu ay iska dishaan waxa yar ee gacantooda ku jira.

Halkan ka dhagayso faafaahin ku aadan kiiska dilka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular