Deegaanka Caadlay oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa dadka ku nool waxay ka cabanayaan dhibaatooyin kala duwan oo uga imaanaya ciidamada Dowladda Federaalka.
Maalintii Sabtida ee lasoo dhaafaay ciidamo katirsan kuwa dowladda fedaraaalka, ayaa la sheegay iney weerar kusoo qaadeen degaanka Caadley oo katirsan gobalka Sh dhexe.
Ciidamadaan oo ay dadka degaanku sheegeen iney ka amar qaataan saraakiil katirsan sirdoonka dowladda fedaraalka, ayay tilmaameen in degaanka ay ka geysteen dil iyo dhac, ayna dadka u adeegsadeen hubka culus ee lagu dagaallamo.
Ugu yaraan hal qof oo kamid ah ehelkooda ayay sheegeen in lagu dilay weerarkaan, ayna ciidamo dhac baahsan ka geysteen degaanka.
Deegaannadan ayaa muda kahor ahaa kuwa nabdoon, oo ay dadku walwal la’aan seexdaan, laakiin markii ay soo gaareen ciidamada Dowladda Federaalka ayay dadku dareemeen xaalad cakiran iyo amni daro joogta ah.
Halkan ka dhagayso cabashada dadka deegaanka Caadlay.