Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si deg-deg ah uga hadahsey xasuuqii habeenkii xalay ciidamada Uganda ka geysteen magaalada Buulo-Mareer, kaasoo ay ku dileen 4 ruux oo shacab ah oo 3 kamid ah dhalinyaro ahaayeen, halka kan afaraadna uu qof waayeel ahaa.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay wacad ku martay in xasuuqaas aanu jawaab la’aan ahaan doonin, ciidamada Shisheeyaha ee geystayna laga aargudi doono.
War Saxaafadeed kasoo baxay xafiifka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa baaq loogu diray umadda Soomaaliyeed, baaqaaas oo ah iney iska kaashadaan sidii dalka looga saari lahaa ciidamada Shisheeyaha.