HomeAll newsBooliiska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Qof Looga Shakiyay Fulinta Weerar.

Booliiska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Qof Looga Shakiyay Fulinta Weerar.

Maalmo kadib isku deygii lagu doonayay in lagu toogto Donald Trump, ciidamada booliiska dalkaas ayaa toogtay nin Ameerikaan ah oo kasoo ag dhawaaday meel uu ka dhacayay shirka xisbiga Jamhuuriga.

Warbaahinta gudaha waxay soo tabiyeen in ninka la dilay uu watay labo toorrey, kuna soo taagay dhanka ciidamada booliiska, taasina ay keentay in ciidamada booliiska ay rasaas la dhacaan, durbana uu dhulka ku dhaco isagoo meyd ah.

Tallaabadan lagu dilay qofkan ayaa muujineysa xaaladda argagaxa ah ee kajirta dalka Marayknaka, wixii ka dambeeyey weerarkii lagu beegsaday Trump.

Si guudna ciidanka booliiska Maraykanka waxaa lagu tiriyaa iney kamid yihiin kuwa ugu tacadiga badan dunida, oo kaamirooyinka hortooda dadka ku dila, sidaba ku dhacday ninkii madowga ahaa, oo isagoo ku cataabaya iney neefta ku dhegantahay, ay dileen ciidanka booliiska.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular