HomeAll newsWeeraro Lagu Beegsaday Ciidamada Milliteriga oo Ka Dhacay Pakistaan.

Weeraro Lagu Beegsaday Ciidamada Milliteriga oo Ka Dhacay Pakistaan.

24kii saac ee lasoo dhaafay, waxaa dalka Pakistaan ka dhacay illaa labo weerar, kuwasoo lagu beegsaday ciidamada milliteriga dalka Pakistaan.

Mid kamid ah weerarada oo ahaa camaliayd nafhurnimo ah ayaa ka dhacay saldhig ay ciidanka milliteriga Pakistaan ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Banuu oo dhaca wuqooyi galbeed dalka.

Taliban Pakistan ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyadoo tilmaamtay iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tobanaan askar iyo saraakiil isuga jira. Wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashadu ay tahay 50, walow aan la xaqiijin karin.

War kasoo baxay ciidamada dalka Pakistaan ayaa lagu sheegay in 8 askari oo katirsan ciidankooda ay dhinteen, kadib markii lagu soo qaaday weerar nafhurnimo oo ay soo qaadene tiro dagaalyahanno ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular