Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta fuliyeen howlgallo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobalka Hiiraan, kuwaas oo lala beegsaday askar katirsan dowladda fedaraalka.
Qarax ka dhacay xaafadda Daarasalaam ee magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda fedaraalka gaar ahaan ciidanka Bolis Millitaro.
Waxaa qaraxaasi ku dhintay 3 askari oo midi yahay sarkaal lagu magacaabo Cadde, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.
Askarta lagu dilay qaraxaasi ayaa waxaa iyana lagu kala magacaabaa Zakariye Maxamad Saalax iyo Cabdinaasir.
Geesta kale gobalka Hiiraan gaar ahaan duleedka magaalada Buulo-burde waxaa maanta markale ka dhacay, dagaallo culus oo udhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda fedaraalka.
Dagaalladaas ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamada dowladda fedaraalka.