HomeAll newsShacabka Magaalada Burco Oo Ka Cabanaya Shirkadda bixisa Adeega Korontada.

Shacabka Magaalada Burco Oo Ka Cabanaya Shirkadda bixisa Adeega Korontada.

Magaalada Burco oo kamid ah dhulka uu ka arimiyo maamulka la magacbaxay Soomaaliland, ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen iney ku qabaan shirkadda bixisa adeegyada korontada ee magaalada.

Dadkaan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalada Burco, waxayna eedeymo kulul u jeediyeen shirkadda korontada ee magaalada.

Waxa ay ku eedeeyeen in ay shirkaddu cunaha qabatay dadka ku dhaqan magaalada, islamarkaana ay kusoo rogto lacago xadhaaf ah oo aysan iyagu isticmaalin sida ay hadalka udhigeen.

Waxay ay ku hanjabeen iney sharikadda burburin doonaan haddii aan laga badalin.

Halkan ka dhagayso war ku saabsan cabashada reer Burco.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular