Waxaa sii xoogeysanaya dhaliisha xillibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka ay u jeedinayaan dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud ee uu socdo sanadkii sadexaad ee mudo xileedkeeda.
Kulan ka dhacay maalintii shalay aqalka Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan xoogan, waxaana xillibaannadu diidanaayeen meel marinta xeerka maalgashiga oo ay soo gudbisay wasaaradda Qorsheynta ee DF.
Kulanka kadib, qaar kamid ah xillibaannada ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna jeediyeen hadallo ka dhan ah xukuumadda Xamza Cabdi Barre, iyagoo ku eedayay iney fashilantay.
Halkan ka dhagayso warbixin ku saabsan dhaliisha xillibaannada.