Maamulka Buulo-Mareer ee Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay, falkii gurracanaa ee ciidamada shisheeye ee Uganda ku gowraceen dad beeralley ah oo aan waxba galabsan.
Gudoomiyaha kuxigeenka maamulka magaalada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in markii uu dilka dhacay kadib, ay ciidamada Shisheeyaha lasoo xiriireen maamulkooda, una sheegeen tacadiga ay geysteen.
Gudoomiye Maadey, wuxuu sheegay in Buulo-Mareer iyo deegaannada hoosyimaada ay caadi ka noqdeen tacadiyaadka ay geystaan ciidamada shisheeye, iyaguna aaney waxba ka qaban karin, oo aaney xitaa wax ixtiraam ah ka helin ciidamada Uganda.
Maalintii shalay ayay ahayd markii ciidamada shisheeye ee jooga Buulo-Mareer, ay gowraceen labo wiil oo dhalinyaro ah, halka ay meyd ahaan uga tageen oday waayeel ah, Xarakada Al-Shabaab oo tacadigaas ka hadashey ayaana ku goodisay iney u aargudi doonto shacabkaas la laayay.
Halkan ka dhagayso hadalka kasoo baxay maamulka Buulo Mareer.