Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Carafaad oo isku daldalay gudaha magaalada Hargeysa.
Carafaad ayaa waxa uu dhaqaan ku aqal galay magaalada Hargeysa, balse ugu dambeyn waxaa lasoo warinayaa inuu halkaasi isku daldalay.
Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu wiilkaan dhalinyarada ah is daldalo, waxayna kusoo aadaysaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay falalka nuucaan ah kusoo badanayeen magaalada Hargeysa ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Somaliland.
hooyada dhashay wiilka is dilay oo saxaafadda la hadashay ayaa ka warbixineysa qaabka ay wax udhaceen.