Axmed Cabdi Kijaandhe oo horey uga mid ahaa xillibaannada maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaamiyaha maamulka isku magacaabay Soomaaliland, isagoo ku eedayay fashil iyo wax qabad la’aan.
Wuxuu tilmaamay in Muuse Biixi aanu jirin waxqabad rasmi ah oo muuqda, oo uu u sameeyay dadka ku dhaqan deegaannada wuqooyi galbeed ee uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland.
Wuxuu soo hadlaqaaday ictiraaf raadiska maamulka, ee dhalisay in Itoobiya ay siiyaan badda Soomaaliyeed, arinkaas oo uu ku tilmaamay iney waxba usoo kordhineynin.
Halkan ka dhagayso dhaliisha Xillibaan hore ee ku wajahan Muuse Biixi.