HomeAll newsDowladda Turkiga Oo Shidaal Baaris Ka Billaabeysa Xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga Oo Shidaal Baaris Ka Billaabeysa Xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo qeyb ka ah, dowladaha xubinta ka ah ururka Nato, faragelinta Soomalaiyana qeyb weyn ku leh, oo gacanta ku heysa ilaha dhaqaale ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa ku dhawaaqday tallaabo halis ah.

Wasiirka wasaaradda Tamarta ee dowladda Turkiga Alab Arslaan Biyaqdar, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu shidaal baaris ka sameyn doono qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya.

Illaa saddex goobood oo kamid ah xeebaha Soomaaliya, ayay dowladda Turkiga sheegtay in dhawaan ka billaabi doonto shidaal baaris, warkan ayaana lagu baahiyay warbaahinta TRT ee taabacsan dowladda Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay in markabka Oruc Reis uu bisha September soo gaari doono xeebaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka billaabi doono howlo shidaal baaris ah.

Maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Turkiga, ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya, kadib markii Xasan Sheekh Maxmuud oo ah madaxweynaha Dowladda Federaalka, ku wareejiyay Turkiga iney siday doonaan ka sameystaan kheyraadka Soomaaliya.

Tallaabadan ay hadda ku dhawaaqeen dowladda Turkiga, ayaa qeyb ka ah boobka aan geed loogu soo gamban ee ay dowladaha Shisheeye ku hayaan kheyraadka umadda Soomaaliyeed, oo ay badaha kamid yihiin, mana jirto dowlad awood leh oo ka difaacan karta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular