HomeAll newsDad Siyaabo Kala Duwan Ugu dhintay Dalka Faransiiska.

Dad Siyaabo Kala Duwan Ugu dhintay Dalka Faransiiska.

Magaalada Niis ee dalka Faransiiska, waxaa uu dab ka kacay dhisme deegaan ah, kaasoo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku geeriyooday dabkan qabsaday dhisme isku raran ah oo ay dad deganyihiin, waxaana laanta dabdamiska ay sheegtay in illaa iyo hadda aanu cadeyn sababta dhalisay dabka.

Marka laga yimaado todobada ruux ee dhimatay, waxaa sidoo kale jira dhaawaca 3 kale, kaasoo mid kamid ah xaaladiisu aad u liidato.

Dhanka kale, hal qof ayaa dhintay, lix kalena way dhaawacmeen, kadib markii qof kaxeynayay gaari uu xoog ku galay afaafka hore ee maqaayad ku taalla bariga magaalada Paris.

Ilaha caafimaadka ee magaalada Paris ayaa sheegay in 3 kamid ah dhaawacyda ay xaaladooda caafimaad liidato, suuragalna ay tahay in waqti weliba ay geeriyoodaan.

Laamaha amniga ee dalka Faransiiska, waxay sheegeen inaan la kala ogeyn in waxa dhacay ay weerar yihiin ama uu shil ahaa, darawalka gaariga kaxeynayay ayaana illaa iyo hadda baxsad ah.

Faransiiska ayaa ah dal caadeystay ku tumashada muqadasaatka Muslimiinta, madaxweynaha dalkan ayaana horey u aflgaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular