HomeAll newsMaamulka Puntland Oo Codsaday in Lasoo Celiyo Cunaqabateyntii Hubka ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland Oo Codsaday in Lasoo Celiyo Cunaqabateyntii Hubka ee Soomaaliya.

Iyadoo dhawaan shixnado hub ah oo ku rarnaa gawaari ka timid dhinaca Itoobiya lagu qabtay magaalada Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud, ayna furteen dadka deegaanka iyo malleeshiyaad hab qabiil u abaabulan, ayaa waxaa isasoo taraya dhinacyada ka hadleysa.

Maamulka isku magacaabay Puntland ee uu hogaamiyo Siciid Deni, ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in Soomaaliya dib loo saaro cunaqabateyntii hubka oo laga qaaday 7 bilood kahor.

Warbixin uu daabacay wargeyska Blomberg ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu si rasmi ah Qaramada Midoobay uga codsaday in lasoo celiyo cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Wuxuu maamulkan ku dooday in qulqulka hubka soo galaya Soomaaliya, uu sii hurinayo colaadaha u dhexeeya qabaa’ilka ee ka dhacaya gobollada dhexe ee Soomaaliya, taasoo ay hurinayaan sida waxgaradku tilmaamayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Cabdi Faarax Siciid oo ah Wasiirka arimaha Gudaha ee maamulka isku magacaabay Puntland ayaa khalad ku tilmaamay in kolkii horaba cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya. ” Soomaaliya waa dal kala qeybsan oo kala qob-qoban, khalad ayay ahayd in cunaqabateynta hubka laga qaado” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay ” Waxaan u baahannahay go’aan kasoo baxa Qaramada Midoobay oo markale Soomaaliya lagu saarayo cunaqabateyn dhanka hubka ah”.

Afhayeenka xukuumadda Dowladda Federaalka Farxaan Jimcaale, oo uu wargeysku su’aalo ka waydiiyay arintan, ayaa diiday inuu wax jawaab ah bixiyo, sida ay tilmaameyso warbixinta Blomberg.

December, 2023-da ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd tan iyo 1992-dii, waxaana aqoonyahanka Soomaaliyeed rumeysanyahay in qaraarka cunaqabateynta iyo qaadistiisaba lahayd dowladda Maraykanka, oo danaheeda ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed ka arkeysay arinkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular