Cudurka dhalmo la’aanta wuxuu kamid yahay cudurada dhibaatada ba’an ku haya guud ahaan dadka ku nool caalamka, mana jirto wadan kamid ah dunida oo aaney dadkiisu ka cabaneynin dhibaatadan iyo xanuunkan dad badan ka hor istaagay iney caruur ay ku il qabowsadaan ay dhalaan.
Marka laga yimaado inuu yahay xanuun kamid ah xanuunada ku yimaada Allaah qadartii, waxaa jira asbaabo iyo dhibaatooyin horseeda xanuunkan, ama calaamado iyo astaamo marka ay billowga yihiin haddii aan laga hortagin oo aan la daweyn keeni kara inuu xanuunku adkaado.