Wararka ka imaanaya gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo, ee katirsan gobollada dhaca koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay howlgallo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha deegaanka, kaasoo ay ku dileen askari katirsan ciidamada Dowladda Federaalka.
Baardheere, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen, sadhig ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin magaalada.
Labada dhinac ayaa isweydaarsaday rasaas culus, illaa iyo hadana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.