Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa magacabay gole cusub oo wasiiro ah, kadib kala diristii xukuumadda ee dhawaan uu ku dhaqaaqay.
Golaha cusub ee wasiirada ayaa ka kooban 11 wasiir, 6 kamid ah waa wasiiradii hore loo kala diray oo dib loo soo celiyay, halka 5 kalena ay yihiin wejiyo cusub.
Aadan Barre Ducaale, oo ahaa wasiirkii gaashandhiga ayaa markale kusoo noqday wasaaraddan, halka Kithure Kindiki uu noqday wasiirka arimaha gudaha. Labadan nin ayaa xulafo dhow la ah madaxweyne Ruto.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isku dayada uu ku doonayo inuu ku dejiyo carada shacabka Kenya, welina ma muuqato rajo ah in dadku ku qancaan tallaabooyinkan uu qaadayo William Ruto.