Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa habeen hore ka dhacay, dilka 2 qof oo shacab ah, kuwaasoo ku sugnaa goob ganacsi.
Falkan dilka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay, wadada Suufi-Xalwo oo ay ku taallo goobta ganacsi ee ay xilligaasi joogeen.
Waxay ku fureen rasaas, iyagoo goobta isaga baxsaday Kadib markii ay dileen labada ruux, oo ay wararku sheegayaan iney dhalinyaro ahaayeen.
Dhacadan ayaa lasoo warinayaan iney salka ku hayso aano qabiil, maadaama degaano hoostaga magaalada Galkacyo ay mudooyinkii lasoo dhaafay kasocdeen, dagaallo udhaxeeya beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Gaalkacyo ay kadhacaan dilalka la xiriira aanooyin qabiil.