Dadka Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga deegaanka Dhadhaab oo katirsan dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato, ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan.
Shaqo la’aantan ayaa si gaar ah usaameysay dadka xoogsatada ah ee ku nool halkaasi, gaar ahaan kuwa faryaamada ee guryaha dhisa.
In kabadan 600 oo shaqaalaha guryaha dhisa ah, ayey shaqo la’aani halkaasi ku heysaa, kuwaasoo aan heysan shaqo kale oo ay qoyskooda ku maareeyaan, loona diiday iney meelo kale u shaqo doontaan, maadaama xeryaha lagu ooday aan loo ogoleyn iney ka baxaan, sida ay sheegeen.
Waxay sheegeen in raashinka aadka ulliitaa ee ay ka helaan hay’adaha halkaas ku ootay aaney ku filneyn, dhanka kalena uusan ahayn wax la cuni karo, maadaama uu yahay raashin doorsoomey, islamarkaana in muddo ku keydsanaa bakhaaro ganacsi.