Warbaahinta dalka Suudaan iyo kuwa Imaaraatka Carabta ayaa baahiyay in hogaamiyaha milliteriga Suudaan Cabdil Fataax Al-Burhaan, uu khadka teleefanka kula hadlay madaxweynaha Imaaraatka Carabta Muxamed bin Zaayid.
Wararka ayaa tilmaamaya in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed, uu ka shaqeeyay sidii labada nin ay khadka teleefanka ugu wada hadli lahaayeen, illaa iyo hadana ma cada waxa rasmiga ah ee ay ka wada hadleen.
Imaaraatka Carabta ayaa qeyb ka ah dagaalka Suudaan, waxayna taageero la garab taagantahay kooxda RSF, ee dhibaatada ba’an ku heysa shacabka Suudaan