Weli waxaa taagan xiisadda la xiriirta hubkii faraha badnaa ee ay magaalada Caabduwaaq ku furteen shacab iyo malleeshiyaad hab qabiil u abaabulan, Dowladda federaalka ayaana xooga saareysa sidii ay usoo celin lahayd hubkaas.
Weli Dowladda federaalka kama hadlin dadkii ay ciidamada sirdoonka NISA ku dileen, deegaan hoostaga magaalada Caabduwaaq, waxaana isasoo taraya warka kasoo baxaya dadka kasoo jeeda magaaladaas ee jooga gudaha iyo dibadda.
Shacabka ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa ka dalbaday Dowladda federaalka, iney meel ku sheegto magta raggii deegaanka kasoo jeeday ee ku baxay gacanta ciidamada Dowladda Federaalka.