Qoysas Soomaaliyeed oo qeyb ka ah jaaliyadda ku dhaqan dalka Maraykanka, ayaa billaabay iney isaga tagaan dalkaas, oo kamid ah wadamada reer galbeedka kuwooda ugu dhaqanka liita.
Waalidiin Soomaali ah ayaa sanado kadib waxay qaateen go’aan muhiim u ah noloshooda, kaasoo ah iney dalka Maraykanka isaga soo tagaan, iyagoo ilaalinaya badqabka diineed iyo midka dhaqan ee caruurtooda.
Waalidiinta ayaa dhibaato ba’an waxay ka heystaa goobaha waxbarashada ee dalka Maraykanka, halkaas oo caruruta yar yar lagu baro dhaqanno foolxun iyo mabaadi’ ka hor imaaneysa Diinta Islaamka.
Inkastoo dadka qaar ay u arkaan Maraykanka iyo dalalka lamidka ah riyo muhiim u ah noloshooda, tagitaanka dalalkaasna ay dheef badan ka helayaan, hadana xaqiiqada ay ka waramayaan dadka halkaas kasoo noqday ayaa ka dhigan mugdi uu qofka muslimka ah ee aadaya dalalkaas uu lugihiisa ku doonanayo.
Dhagayso warbixin la xiriirta qoysaska Soomaalida ee isaga soo tagaya US.