HomeAll newsCiidamada Itoobiya ee Jooga Baay iyo Gedo oo La Kulmay Weeraro Culus.

Ciidamada Itoobiya ee Jooga Baay iyo Gedo oo La Kulmay Weeraro Culus.

Idaacadda Al-Furqaan: Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay waxay weeraro iyo dagaal toos ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya ee saldhigyada ku leh qeybo kamid ah gobollada Bay iyo Gedo.

Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh Qansaxdheere oo katirsan gobolka Baay, ayaa la kulmay weerar xoogan oo in muda ah socday, dhinacyada ayaana is dhaafsaday hubka culus.

Weerar midkaas lamid ah, ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Itoobiya ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Lama oga khasaaraha rasmiga ah.

Waxay sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab, weerar ku qaadeen xarunta WFP ee magaalada Garbahaarray, halkaas oo fariisin u ah ciidamada Dowladda federaalka, lamana oga waxyeellada rasmiga ah ee ka dhalatay.

Inta badan saldhigyada ciidamada Shisheeye ee ay ciidamada Itoobiya qeybta ka yihiin, kuna yaala gobollada Soomaaliya, ayaa la kulma weeraro xoogan oo uga imaanaya dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa wajahaysa duullaan milliteri oo shisheeye, oo ay iska kaashanayaan dowladaha Afrika iyo reer Yurub, waxaase duullaankaas wajahaya shacabka Soomaaliyeed oo ay horboodayso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular