Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay gobalka Tigree ee udhexeeyay ciidamada xukuumadda Xabashida Itoobiya iyo Jabhadda Tigree waxaa dalkaasi isaga barakacay malaayiin ruux oo Itooboiyaan ah.
Badi dadka Itoobiyaanka ah ee kasoo qaxay dalkaas ayaa waxa ay soo gaareen qaar kamid ah goballada dalka Soomaaliya, haba ugu badbaanaadaanee kuwa ku yaalla woqooyiga iyo bariga Soomaaliya.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa lasoo warinayaa iney kusoo badanayaan dadka Itoobiyaan ah ee ka yimid gudaha Itoobiya, waxaana qaarkood iyagoo lugeynaya ay kasoo gudbeen xuduudka Itoobiya ee gobalka Hiiraan.
Bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka hadlay Xabashida kusoo qaxday magaalada ayaa sheegay, in dadka Itoobiyaanka ah ee dalkooda kasoo hayaamay ay saameyn ku yeelanayaan magaalada, qaarkoodna waxa ayba sheegeen iney yihiin kuwa ciidan ah oo sirdoon ahaan loogu soo diray.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan magaalada Hargeysa ay dibadbax ka dhigeen dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka cabanayay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Hargeysa. qeybo badan oo kamid ah goballada woqooyi-galbeed ee Soomaaliya ayaana waxaa degan dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu milmay dadka Soomaalida, iyagoona ku haya dhaqan xumo aad ubaahsan.
Dhagayso dadka ku nool Baladweyn oo ka cabanaya Itoobiyaan halkaas kusoo batay.