koonDalka Koonfur Afrika oo ay ku noolyihiin Soomaali badan, oo ka ganacsada wadankaas, ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka loo geysanayo dadka Soomaalida ah.
Ganacstada ayaa si gaar ah loo ugaarsadaa, waxaana dilalka geysta kooxo hubeysan oo brucad ah, kuwaasoo doonaya iney dhacaan hantida Soomaalida.
Soomaalida ku nool dalkaas ayaa ka cabanaya dilalka kusoo badanaya wadankaas ee sida gaarka ah iyaga loogu beegsanayo, waxaana dhibaatadan ay tahay mid sanado soo jiitameysa.
Bulshada Soomaalida ayaa ganacsiyo badan ku leh dalka dibadiisa, kuwaasoo u nugul culees weliba oo soo kordha, Koonfur Afrika ayaana kamid ah dalalka dhiiga iyo hantida Soomaalidaba lagu banneystay.