Tafaasiil dheerad ah ayaa laga helayaa iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo ismaamulka Marsabit ee dalka Kenya ku dhex maray ciidamo katirsan dowladda Kenya iyo qaar kamid ah dadka ku dhaqan halkaas.
Iska hor-imaadlka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay god macdanta laga qodo oo ku yaalla degaan hoostaga magaalada Mooyaale ee ismaamulka Marsabit, islamarkaana ay gumeysato dowladda Kenya.
Goobta macdanta laga qodo ee uu iska hor-imaadka ka dhacay ayaa waxa ay ku taallaa degaan lagu magacabaao Hilo oo hoostaga magaaladaan ku hoos jirta gumeysiga Kenya.
Ugu yaraan laba ruux oo uu ku jiro sarkaal katirsan boliska Kenya ayaa lagu dilay iska hor-imaadkaan, iyadoo lasoo sheegayo in kooxaha dagaalka la galay ciidanka dowladda ay hub furteen.
Dagaalka oo yimid kadib markii ay maleeshiyaadku weerar ku qaadeen ciidanka Kenya ayaa waxaa usuura gashay iney goobta lala baxsadaan qoriga loo yaqaanno G3-ga iyo 20 baalooto oo rasaas ah oo uu lahaa sarkaalka Kenyatiga ah ee la dilay.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray George Mukoma, kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ilaalada ka hayay goobta macdanta laga qodayay gaar ahaan Dahabka, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.
Ugu yaraan 10 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil booliis ah ayaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen iska hor’imaadka goobta ka dhacay, sida uu sheegay sarkaal katirsan boliska Kenya.
Taliska boliska xukuumadda Nairobi ayaa tilmaamay, in koox hubeysan oo kumannaan ah ay xoog ku galeen aaga goobta macdanta laga qodo, halkaas oo ay weeraro kula galeen saraakiisha booliska ee dalkaasi.