Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo ciwaan looga dhigay ” “Xaladaha Xabsiyada ee Soomaaliya – Qiimeyn Dhameystiran,” ayaa lagu sheegay in xaalado adag oo kala duwan ay ka jiraan xabsiyada ay maamusho Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.
Dhibaatooyinka ka jira xabsiyada ee lagu sheegay warbixinta kasoo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, waxaa kamid ah ciriiri, nadaafad darro, daryeel caafimaad oo liita, biyo nadiif ah oo aan laga heleynin xabsiyada iyo adeega korontada oo liita.
“Xabsiyadu inta badan waa qaybta la ilaaway ee nidaamka cadaaladda. Hase yeeshee xaaladooda iyo xuquuqda kuwa ku jira ayaa ah mid aad muhiim u ah” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya.
Warbixinta Qaramada Midoobay kasoo baxday ayaa laga jeediyay kulan ay ka qeybgaleen madax katirsan Dowladda Federaalka, kaasoo loogu dabaaldegayay waxa loogu yeero maalinta Nelson Mandela.
Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo xitaa Shisheeyaha ku sugan dalka ayaa leh xabsiyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah, kuwaasoo lagu tacdiibo, laguna jirdilo dadka Soomaaliyeed, waxaana dadka qaar dhabarka loo saaraa eedo ay beri ka yihiin oo ay kamid tahay iney katirsan yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Eedahan aan xaqiiqada iyo cadeynta loo heynin, waxay inta badan horseedaan in lagu fuliyo maxaabiista dilal toogasho ah, halka qaarkood lagu xukumo tobanaan sano oo xarig ah ama xabsi daa’in, waxaana sidoo kale jira in ehellada maxaabiista lagu qasbo iney bixiyaan kumanaan doollar, si loogu sii daayo dadkooda ama ugu yaraan loogu geeyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin.