Weli dagaallo culus ayaa ka soconaya qeybo kamid ah goobihii saaka weerarka cagmarinta ah lagu qaaday, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana khasaare xoog leh gaarsiiyay askarta Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Weerar kamiin ah ayaa loo dhigay kolonyo ciidamo ah oo marayay deegaanka Yoontooy, kuwaasoo gurmad u ahaa ciidamada ku sugan galbeedka magaalada Kismaayo ee saaka la kulmay weerarada cagmarinta saf marka ah.
Maamulka Jubbaland dhankiisa, wuxuu qiray jiritaanka weerarka, waxaana sidaasi noo xaqiijiyay xogheynta madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxmuud Sayid Aadan.