Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya, in dhul go’ geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhuftay dalkaas.
Dhul go’aan ayaa waxaa si gaar ah looga soo calaamadeeyay, degaan katirsan gobolka Gofa ee dhaca koonfurta dalka Itoobiya.
Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay, in ugu yaraan 20 ruux ay ku dhinteen dhul go’aan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Waxa ay intaasi ku dartay in dadka ku dhintay musiibadaan ay kamid yihiin haween, caruur iyo qaar kamid ah ciidamada Boliska ee dowladda Xabashida Itoobiya.
Masuul maxalli ah wareysi siiyay telefishinka rasmiga ah ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay, in ay socdaan dadaallo lagu baadi goobayo islamarkaana lagu soo badbaadinayo dad la rumeysan yahay in nolol iyo geeri tooona aan lagu heynin.
Waxa uu kaloo tilmaamay in tirada dhimashada ay saacad waliba sii kordhi karto, maadaama dhismayaal uu dhulku kusoo dumay lagu la’yahay dad badan.
Sawirro laga soo qaaday mandiqadda ay musiibadaani ka dhacday ayaa muujinaya xaafado badan oo uu dhulku kusoo dumay, iyo dad laga baadi goobayo guryaha ay carradu qarisay.
Hoos ka daawo sawirrada: