HomeAll newsDowladda Federaalka oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Howlgala Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo Xabsiga Dhigtay Wariye Ka Howlgala Muqdisho.

Cali Nuur Salaad oo kamid ah wariyaasha magaalada Muqdisho ayaa waxaa xabsiga dhigay Booliiska Dowladda Federaalka.

Ciidamo katirsan booliiska Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku dhigay wariyahan, iyagoona u dhaadhiciyay mid kamid ah saldhigyada booliiska, oo uu illaa iyo hadda ku xiranyahay.

Qoraal kasoo baxay booliiska magaalada Muqdisho ayaa waxaa Cali Nuur Salaad lagu eedeeyay faafinta ” anshax xumo iyo warar been abuur ah”, lamana bixin tafaasiil intaas kabadan.

Wariyaasha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegay iney aad uga xunyihiin tallaabada lagu xiray wariyaha, ayna qeyb ka tahay caburinta lagu hayo “saxaafadda xorta ah”.

Qaar kamid ah dadka baraha bulshada kaga faallooday xiritaanka wariye Cali Nuur Salaad, ayaa sheegay in wariyaha uu kamid ahaa raggii u ololeynayay in Xasan Sheekh Maxmuud kusoo baxo doorashada madaxtnimada, sidaasoo ay tahayna ay maanta xirtay nidaamkii uu wax kasoo dhisay.

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul u cambaareeyay xariga wariye Cali Nuur Salaad, isagoona tilmaamay in xarigiisu ” xaqna ahayn, xeerna ahayn”.

Wariyahan ayaa dhawaan baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in maandooriyaha Qaadka ay ka ganacsadaan masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, sababna u yahay in ciidamada DF khasaare lagu gaarsiiyo dagaallada, maadaama aroortii ay hurdaan, sababo ku aadan iyagoo habeenkii oo dhan qayilayay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular