Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhul go’ xooggan oo maalintii shalay ka dhacay degaan dhaca Koonfurta dalka Itoobiya.
Dhul go’aan ayaa waxaa si gaar ah looga soo calaamadeeyay, degaan katirsan gobolka Gofa ee dhaca koonfurta dalka Itoobiya, iyadoo lasoo warinayo in dhul go’ labaaad uu ka dhacay isla mandiqaddaas.
Tirada dhimashada ayaa lasoo warinayaa iney gaartay 50 ruux oo ay ku jiraan ciidamo katirsan boliska Itoobiya.
Khasharaaha ugu badan ayaa waxa uu ka dhashay dhul go’a labaad, kadib markii ciidamo badan oo Bolis ah iyo dadka degaanka ay isugu yimaadeen halkii uu ka dhacay midka koowaad.