Ilo wareedyo katirsan ciidamada ammaanka ee dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Rawaafidda ay fulisay xukunno daldalaad ah, oo lagu fuliyay dhalinyaro katirsan muslimiinta Ahlu Sunnaha Ciraaq.
Dadka la daldalay ayaa tiradooda lagu sheegay iney gaareyso illaa 10 ruux, waxaana xukunka iyo dilkuba ay u dhaceen si qarsoodi ah, oo aaney warbaahinta iyo dadkuba goobjoog ahayn.
Dadka la gumaaday ee kamid ah muslimiinta Ahlu Sunnaha Ciraaq, ayaa lagu eedeeyay iney horey u fuliyeen wax lagu tilmaamay “ howlgallo argagaxiso”, mana jirto hannaan cadaalad ah oo ay mareen.
Bishii April ee lasoo dhaafay ayay ahayd, markii sidaan oo kale, xukuumadda Rawaafidda Ciraaq ay xukun daldalaad ah ku fulisay ugu yaraan 11 ruux, oo iyaguna kamid ah Ahlu Sunnaha Ciraaq.
Inta xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, ayaa geysta tacadiyaad iyo gabood fallo ka dhan ah maxaabiista muslimiinta, kumanaanka ku xiran xabsiyadeeda ayaana waxaa kamid ah boqollaal haween iyo caruur isuga jira oo aan lahayn wax eed ah.
Hay’adaha sheegta iney u doodaan Xuquuqda Aadanaha ayaa tilmaamay in xukuumadda Rawaafidda Ciraaq ay fuliso xukunno daldalaad ah, Human Rights Watch ayaana sheegtay inaaney hufnaani ku jirin xukunnada dilka toogashada ah.