Yuweri Museveni ayaa goodis culus u diray dhalinyaro wada abaabulka dibadbaxyo ka dhaca gudaha dalka Uganda, kaasoo looga soo horjeedo musuq maasuqa masuuliyiinta dowladda.
Wuxuu sheegay in dadka abaabulaya bananabaxyada ay dab ku ciyaarayaan, isagoona uga digay abaabulka banaanbaxyo ka dhaca afaafka hore ee xarunta baarlamaanka dalka Uganda.
Dhalinyarada dalka Uganda ayaa baraha bulshada, waxay waayadii u dambeysay ka wadeen olole ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku dhigaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan musuq maasuqa masuuliyiinta dalka.
Dhalinyarada ayaa dhexdooda isugu baaqayay in tallaabo geesinimo ah la qaado, laguna daydo dhalinyarada ay deriska yihiin ee wadanka Kenya, kuwaasoo ku qasbay madaxweynaha dalka Kenya inuu kala diro golihiisa xukuumadda, xukuumad cusubna soo dhiso.
Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah keligii taliye tobanaan sano maamulaya wadankaas, ilaha dhaqaale ee wadanka ayaana gacanta ugu jiro shakhsiyaad kooban oo dowladda ah, heerka faqriga iyo shaqo la’aanta ayaana gaaray halkii ugu sareysay.