Diraasad cusub oo ciwaan looga dhigay “ Xukunka Jihaadiyiinta iyo hannaanka dowladnimada” oo uu baahiyay machadka Washington ee arimaha waxa loogu yeero “argagaxisada” ayaa waxaa looga hadlay, tajaarubta maamul ee Jamaacaadka Jihaadiga ee ku kala firirsan caalamka.
Diraasadan oo ka kooban inkabadan 100 page, ayna qeyb ka yihiin qoraayaal reer galbeed iyo Carab isuga jira oo aad ugu dhuun daloola arimaha Jihaadiyiinta, ayaa fasal kamid ah waxaa looga hadlay maamulllada Wilaayaadka Islaamiga ah, ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka hirgelisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Mowduucan oo uu qoray qoraa Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Cristopher Anzalone, waxna ka dhiga machad taabacsan jaamacadda ciidamada Maraykanka, ayuu ciwaan uga dhigay dib u eegis ku saabsan khalfiyadda dambe iyo mustaqbalka maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Qoraaga ayaa tilmaamaya, in wixii ka dambeeyey burburkii dowladii Maxa’ed Siyaad Barre iyo dagaalladii sokeeye ee ka qarxay wadanka, ay soo shaac baxday Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hadana ay ka taliso qeybo ballaaran oo kamid ah bartamaha, galbeedka iyo koofnurta Soomaaliya, siiba labada Shabeelle, labada Jubba, Hiiraan, Bay, Bakool, Galgaduud, Mudug iyo qeybo kamid deegaannada uu ka jiro maamulka Puntland.
Anzalone, wuxuu tilmaamayaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay mudnaanta iyo ahmiyadda siiso dhaq-dhaqaaqyada milliteri iyo hannaanka maamul, iyadoo hiigsaneysa taagidda dowlad Islaami ah, oo ka hirgasha dhamaan deegaannada bariga Afrika ee ay ku badanyihiin Soomaalida.
2008-dii ayay warbixintu sheegeysaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay isku baahisay qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, kadib burburkii Maxkamadihii Islaamiga, tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyeyna waxay Xarakadu hirgelisay maamul marba marka kasii dambeysa sii bullaalaya.
Inkastoo dalka ay ka jireen kooxo badan oo hubka sida, lana dagaallayay ciidamadii Shisheeye iyo dowladdii kumeelgaarka ahayd, hadana diraasaddu waxay tilmaameysaa in ugu dambeyn Xarakada Al-Shabaab ku guuleystay iney la midowdo kooxihii uu dagaalku ka go’anaa, dabayaqaadii 2010-kana Al-Shabaab ayaa noqotay kooxda keliya ee ka jirta dalka hubkana sidata, dagaalna kula jirta ciidamada Shisheeye iyo Dowladda Federaalka.
Cristopher Analazone, wuxuu sheegayaa in tan iyo aas-aaskii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, gaar ahaan qabshadeedii qeybo kamid ah Soomaaliya ay xooga saareyso, welina wado iney xooga saarto hormarinta maamul islaami ah, oo dadka Soomaalidu raalli ka yihiin, baahiyahoodana daboola.
Wuxuu sheegayaa in wixii ka dambeeyay 2008-dii, ay hogaanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab safaro dhaadheer ku tageen, inta badan deegaannada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo dadka u sharxaya ujeedkooda iyo maamulka ay doonayaan iney dalka ka dhisaan.
Si loo ilaaliyo cadaaladda iyo badqabka bulshada, waxay warbixintu tilmaameysaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay fuliso xukunno kala duwan oo waafaqsan Shareecada Islaamka, kuwaasoo isuga jira xuduudaha gacan goynta, dilka iyo wixii lamid ah.
Marka laga hadlayo isfahanka ka dhexeeya bulshada iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay warbixintu tilmaameysaa in hogaanka Al-Shabaab aaney iska indha tirin aragtiyada ay soo jeedinayaan dadka ay maamulaan, gaar ahana hormuudka bulshada oo ay kamid yihiin culimada diinta Islaamka iyo hogaanka qabaa’ilka.
Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay warbixintu tilmaameysaa inuu yahay jihada la macaamisha odayaasha qabaa’ilka, taasina waxay fududeysay inuu jiro xiriir joogta ah oo labada dhinac ka dhexeeya.
Si loo ilaaliyo amniga bulshada, loogana hortago falalka burcadnimada, dhanka kalena loo ilaaliyo akhlaaqda iyo habdhaqanka bulshada, waxay warbixinta uu qoray machadka Washington ee diraasaatka waxa loogu yeero argagaxisada tilmaameysaa, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay hirgelisay ciidamada Xisbada, kuwaasoo ah ciidamada ilaalada qaanuunka Shareecada Islaamka.
Iyadoo tilmaameysa halka uu gaarsiisanayahy nidaamka cadaaladda ee ay hirgelisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay diraasaddu tilmaameysaa inaanay wilaayaadka Islaamiga ah ka jirin dabaqad iyo kala sareyn, iyadoo sheegeysa in garsoorka ay u simanyihiin dadka shacabka ah iyo xubnaha katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxay soo qaadaneysaa tusaalooyin dhowr ah oo la xiriira in xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ku fulisay xukun qisaas ah, kadib markii ehellada dadkii ay dileen diideen iney qaataan diyo ama cafis.
Si looga hortago in dadka awoodda maamul gacanta ku haya ay gabood fal u geystaan bulshada ay maamulaan, waxay warbixintu leedahay “ waxay Xarakada Al-Shabaab hirgelisay maxkamadda Raddul Madaalim, taasoo sooyaal dheer ku leh taariikhda dowladihii soo maray Islaamka”.
Cristohpher Anzalone, wuxuu tilmaamayaa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay qiimeyn iyo maamuus siiso rumuuzta ay weynaayaan shacabka Soomaalida, kuwaasoo leh taariikh halgan oo ka dhan ah gumeystayaashii dalka soo weeraray.
Dadkaas ay qadarinta iyo qiimeynta siiso, waxaa kamid ah Sayid Muxamad Cabdulle Xasan, Sheekh Xasan Barsane iyo rag kale, badina hogaamiyaasha Al-Shabaab waxay ciidankooda ku tilmaamaan iney yihiin dhashii Daraawiishta iyo halgamayaashii Mujaahidiinta ahaa.
Si fikirka ay xambaarsantahay iyo hadafka ay hiigsaneyso u noqdo mid sii jira, waxay Al-Shabaab hirgelisay silsilad macaahid iyo iskuullaad ah oo caruurta lagu baro culuumta Shareecada Islaamka, ayay leedahay diraasadda cusub ee uu baahiyay machadka Washington ee falanqeeya arimaha Jamaacaadka Jihaadiga ah.
Inkastoo ay wajaheyso Xarakada Al-Shabaab cadaadis milliteri oo mararka qaar xoogeysta, hadana diraasaddu waxay tilmaameysaa inaanay marnaba ka mashquulin maamullada Wilaayaadka u adeegidda bulshada, sida taakulada la siiyo dadka tabaaleysan, dawooyinka lacag la’aanta ah ee loo qeybiyo dadka iyo duunyada, iyo gurmadka degdega ah ee la xiriira daadadka ee dhacay waayadii u dambeysay.
Gebegebada, wuxuu mowduucan qeybta ka ahaa diraasad ballaaran oo la xiriira hannaanka dowladnimada ee Jamaacaadka Jihaadiga ah, oo uu baahiyay mahad fadhigiisu yahay dalka Maraykanka tilmaameysaa, in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay tartan maamul kula jirto Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, taasoo culeys ka dhigeysa in si fudud xidida loogu siibo, illaa dowladda Federaalka laga helayo bixinta adeegyada cadaaladda iyo amniga ee ay bixiso kooxda mayalka adage ee Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay diraasadda.
Diraasadda machadka Washington ee ay diyaariyeen qoraayaal reer galbeed iyo kuwa carbeed, ayaa ku biireysa boqollaal diraasad oo tobankii sano ee u dambeysay laga qoray Jamaacaadka Jihaadiga oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kamid tahay, waxaana dhamaan diraasaatkaas marka lasoo uruuriyo ay ka marqaati kacayaan hal xaqiiqo, taasoo ah in Mujaahidiintu yihiin awood ciidan iyo mid maamul oo taageero iyo garab-ba ka heleysa bulshada.
Halkaan ka Dhageyso Diraasadda Muqstaqbalka Maamul ee Al-Shabaab