Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay iyo shalay fuliyay, weeraro khasaare dhaliyay oo ka dhan ah askarta shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo kuwa dowladda fedaraalka.
Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday, isbaaro askarta dowladda federaalka utiillay duleedka degaanka Laanta Buura ee ku taalla gobalka Sh-hoose.
Weerarkaan waxaa lagu dilay ugu yaraan 3 askari, halka lagu dhaawacay 2 kale, waxayna ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kusoo furteen 3 qori oo AK-47 ah iyo booshashkooda.
Sidoo kale degaanka Laanta Buura waxaa xalay lagu weeraray, ciidamada shisheeyaha ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ee fariisinka ku leh degaankaas.
Dhanka gobalka Baay, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab halkaasi ka fuliyeen weerar qarax ah oo lala beegsaday askar katirsan maamulka Koonfur-Galbeed.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Qansaxdheere ee gobalka Baay, waxaana lagu gubay gaari iska rogi ah oo ay lahaayeen ciidanka la qarxiyay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen, askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarrey ee gobalka Gedo.
Isla Gedo shalay galinkii dambe waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahdiiinta Al-Shabaab weerareen, saldhigga askarta dowladda fedaraalka ay ku leeyihiin degmada Ceel-waaq ee gobalkaas.